Dagaalo Dad Lagu Dilay Oo ka Dhacay Degaanka Soomaalida Ethiopia

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal beeleed ka dhacay degaanada Caleen, Fadhigaradle & Qabalaha Xaaji Yare oo dhamaantood ka wada tirsan dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, iyadoo uu dagaalkaan uu saameeyay Xoogaga Boliiska Liyuu oo lagu eedeeyay Xasuuq…

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilaawday kadib markii tuulada Caleen lagu dilay 4-Qof oo ka soo jeeda Beesha Ogaaden, waxaana dilka geystay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ka soo jeeda Beesha Mareexaan, kadib ayaa Boliiska Liyuu oo u badan Beesha Ogaadeen waxey ku dileen tuulada Fadhigaraadle 7-qof oo xoolo dhaqata ah kana soo jeeda Beesha Marexaan.

Odayaasha labada Beel ayaa la sheegay iney isku afgarteen in xiisada la qaboojiyo Meydadkana si wadar guud ah loogu wada aaso degaanka Fadhigaradle, lagana wada hadlo sababta dhalisay Dhibaatada, iyadoo loogu baaqay Dowlad degaanka Somalida Ethiopia iney Ciidankeeda ka bixiso degaanka.

Warar ayaa sheegay in Dad badan ayaa ku kala qaxay Degmooyinka Balanbale (Somalia) & Qoraxeey (Kilinka 5-aad Ethiopia), kuwaasoo u baahan gargaar deg deg ah, colaadaan oo noqotay mid soo noqnotay iyadoo lagu eedeeyay Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Hubeysan iney mas’uul ka yihiin dhibta dhacday.

182900cookie-checkDagaalo Dad Lagu Dilay Oo ka Dhacay Degaanka Soomaalida Ethiopia