USA Oo Sababeysay Hakinta Howlgalada

Politics

Taliska Africom ee Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaan ka fulin Duqeyn agaga iyo Degaanada ay ka taliyaan Kooxaha argagixisada ee ka howlgala Somalia,iyadoo lagu tilmaamay gaabiskii ugu dheeraa muddo ku dhow sanad….

Weerardaan oo ay inta badan fuliyaan Diyaaradaha Drones-ka Oo fadhigoodu kala yahay Dalalka Kenya, Ethiopia Somalia, waxeyna bartilmaameedsadaan Kooxaha Argagixisada ee Shabaabka iyo Daacishta ee Somalia, iyadoo xiliyada qaar ay dhibaato weyn ka soo gaarto Dadka Shacbiga ah.

Ilaa haatan ma cadda sababta loo hakiyay, hase yeeshee Waxaa sharaxaad ka bixiyay Hadal-hayeenka Ciidamada USA ee Africa Chris Karns, kaasoo wareysi siiyay mareegtada Stripes. Wuxuuna sheegay in Loo hakiyay xiliyada Roobabka ee Somalia, kaasoo bedelay Cimilada Goobaha dagaalka.

“Markii uu Roob Da’o waxaa yaraada dhaqdhaqaaq iyo Howlgalada Kooxda Shabaabka, lamana joojin ee markasta Waa jiraa Duqeyn” ayuu sheegay Hadal-hayeenka, Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa sheegay inuu dhacay 10-kii April 2020.

Todobaadkaan ayaa diyaarado aan la aqoon waxey duqeymo ka geysteen Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo ah Fariisinka ugu weyn ee Kooxda Shabaabka, iyadoo dhibaato ay ka soo gaartay Dadka rayidka ah, Sidoo kale Roobabka ayaa ka barakiciyay Degaanadaasi Dad kor u dhaafaya 300,000 oo Qof.

34610cookie-checkUSA Oo Sababeysay Hakinta Howlgalada