Cunaqabateyn Dhaqaale Oo Dadban Oo La Saaray Maamulka Qoorta-Gareen

Politics

Waxaa soo shaac baxay warbixino hordhaca oo tilmaamaya in Khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Maamulka Galmudug ee hormuudka ka yahay Mr.Qorqor, kadib markii Dhaqaalihii loogu tala galay Maamulkaasi uu hakad geliyay Wasiirka 1-aad ee Maamulka Farmaajo Mr.Xasan Cali Khayre….

Wararkaan ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay tabeyso Dhaqaale ka badan 2 Milyan oo US$ oo maamulada la mid ka ah ay ka heleen Dowlada Federaalka, Lacagaha maqan waxaa kamida mid hal Million oo US$ ah oo loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka Covid19 taasoo la siiyay maamul goboleedyada marka laga reebo Galmudug.

Iyadoo Sidoo kaloo aan meelna lagu sheegin lacag 1-Million US$ ah oo 4tii bilba mar la siiyo dowlad goboleedyada, iyagoo ku kaba Miisaaniyadooda, dhamaan maamulada kale si joogta ah ayey u helaan dhaqaalahaasi, walow mudada uu Xafiiska fadhiyo Qoor Qoor aysan soo dhicin.

Waxaa kaloo xitaa laheyn lacagtii 150,000 Kun ee doolar ee bil walba loo diro maamulada hoostaga dowladda dhexe, mana muuqato sababta rasmiga ah ee loo gacan bidixeynayo Galmudug.

Maamulka Villa Somalia ayaa Waxaa si hoose dagaal uga dhaxeeya Labada Mas’uul ee ugu sareeya kuwaasoo dhistay kooxo iyo maamulo iyaga daacad u ah, iyadoo xiligaan lagu jiro xili kala guur ah iyo isku diyaarin doorasho, ayaa waxaa soo shaac baxaaya dagaalka qabow, kaasoo saameyn ku yeeshay taageerayaasha labada koox.

30950cookie-checkCunaqabateyn Dhaqaale Oo Dadban Oo La Saaray Maamulka Qoorta-Gareen