Villa Somalia Oo Diyaarisay Qorshe Looga Saaraayo Xildhibaanada..

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka Villa Somalia ay u gudbiyeen Kan maqaar saarka ah ee Galmudug qorshe ay ku doonayaan in Shaashada Siyaasada looga saaro qaar kamid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka Galmudug laga siiyay Hogaanka Ahlu Sunna…

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa Baarlamaanka goboleedka Galmudug ku leh 20-Xildhibaan, hasa ahaatee waxaa kooxdaasi kasoo goostay kana qeyb galay Doorashadii Madaxweynaha Galmudug lagu doortay  ilaa 2-Xildhibaan.

Xildhibaanada kale ee kooxda Ahlu sunna laheyd ayaa diiday in ay ka qeyb galena doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana doorashada Dhuusomareeb ka dhacday iyada oo banaanka ay ka joogaan 18-kaasi Xildhibaan.

Sida aan wararka ku helnay MaamulkaVilla Somalia ayaa faray kan Galmudug iney dedejiyaan qorshaha la doonaayo in Saaxada siyaasada laga saaro Xildhibaanadan laguna bedelo kuwa cusub ay soo xulayaan Odayaasha beelaha, waxaana wali aysan madaxda Galmudug isla meel dhigin sida ugu macquulsan ee meesha looga saarayo Xildhibaanadaasi iyo waqtiga ay dhaceyso.

Hogaanka Ahlu sunna iyo qaar kamid ah Xildhibaanadii Ahlu sunna ku lahaayeen Baarlamaanka Galmudug ayaa u guuray deeganada Puntland gaar ahaan magaalada Garawe oo hada joogaan.

20740cookie-checkVilla Somalia Oo Diyaarisay Qorshe Looga Saaraayo Xildhibaanada..