Sheekh Shaakir Oo Ka Warbixiyay..

Politics

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa ka hadlay xaaladda ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug…

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay in xabadda dhexdooda ay isu ridayan loo baahan yahay in si wadajira loogu adeegsado maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogaga hubeysan ee Villa Somalia ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayuu ku eedeeyay inay xalay rasaas ku soo furayn Xoogaga Ahlu Sunna, xilli ay ilaalo ka hayeen Xarunta Inji, oo ah halka uu isagu ka duwan yahay magaalada, kuwoodana ay rasaas uga jawaabeen, sidaasina uu iska horimaadkii xalay ku bilowday, sida uu yiri.

Mar la weydiiyay Xoogaga soo weeraray inuu ugala jeedo Ciidamada Galmudug, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Qoorqoor ayuu sheegay in Qoorqoor uuba ka mid yahay shacabka ay amnigooda suggayan.

“Madaxweyne Qoorqoor, runtii adigaaba hadda Madaxweyne u yaqaana, laakiin weeye waxaan ogahay dadka aan difaaceynuu ka mid yahay asagu, oo bulshada qaybaheeda kala gedisan ayuu ka mid yahay.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxa kaloo uu sheegay inaanay jirin ciidan Galmudug ah oo Qoorqoor ilaaliya, balse ay ilaaladiisa ka tirsan yihiin kuwa Villa Somaliya.

“Ciidamo Galmudug oo asagu waardiyeynaya maba jiraanba, ciidamada waardiyeynaya waa Ciidamadii Muqdisho laga keenay, Ciidamadii Galmudug waa kuwa aan gacanta ku hayno oo ilaalineyno, oo aan u diyaarineynay Shabaab, sidii ula dagaalami jireen inay ula dagaalamaan.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Isagoo baaq u jeedinayay Madaxda Qaranka ayuu yiri “Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqaya dadka hadda xabadda la dhacayan, waa dadkii soo dhaweeyay, waa dadkii gogosha u xaaray, waa dadkii u sacba tumay, inay ugu abaal-gudaan inay maanta xabad Shabaab, xabad aan ahayn dhexdooda inay ku shabaaxaan, oo madaxdooda, maskaxdooda iyo maalmoodkoodii ku burburiyan, arrinkaas waxaa weeye arrin runtii aad looga murgo.”

Waxa uu intaa ku daray “Marka Ciidamada Dowladda meelkastoo ay jooggan arrinkaas inay iska ilaaliyan, aanaan loo adeegsan shacabkooda iyo dadka Masuuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca, ee calaamadda u ah dagaalkii Shabaab lala galay oo intaa halgankoodii ku soo jiray inaan maanta loo adeegsan, ayagana saasaan ugu baaqayaa meelkastoo ay jooggan.”

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku soo aadaya, xilli Magaalada Dhuusaamareeb laga dareemayo xiisad kala dhaxeysa Ciidamada Dowladda ee taabacsan Madaxweyne Qoorqoor.

19320cookie-checkSheekh Shaakir Oo Ka Warbixiyay..