Villa Somalia Oo Heshiis Hordhac ah la Gaartay Wakiilo ka Socda Ganacsatada Xili Xiran Yihiin Suuqyada..

Business Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan xalay ka dhacay xarunta Nabadsugida ee magaalada Mogadishu, una dhaxeeyay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka iyo Wakiilo ka socda Ganacsatada Magaalada Mogadishu, iyadoo diirada lagu saaray dooda ka ka taagan Canshuurta Gadista…

Qaadista Canshuurta Iibka oo la sheegay inuu ka dhashay Khilaafka u dhaxeeya Dowlada & Ganacsatada oo xirtay Suuqyada magaalada, inkastoo Villa Somalia ay ku doodeyso in la caariyeeyay qaadista Cabshuuraha, baahiyaha iyo xaaladaha ee ganacsatada, waxeyna sheegeen iney tixgelin doonaan tabashadooda.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Ganacsatada ku hanjabeen iney albaabada u laabi doonaan meharahooda Ganacsiga isla markaasna joojin doonaan iney wax kala soo degaan Dekada Mogadishu doonaan, iyagoo ka gadoodsan Cabshuuraha lagu soo rogay oo la qorsheeyay iney maanta (18-ka Bishaan) bilaabato.

Kulanka ayaa ku soo beegmay iyadoo Shirkada Hormuud ay fariimo la wadaagtay macaamiisheeda wax yar kadib hadal jeedintii Xasan Sheekh uu ku sheegay in lacagaha Canshuurta laga jaraayo kaliyah Shirkadaha Ganacsiga ee isticmaala adeega Merchent, ku darsoo Maamulada Gobolada ayaa xiligaan diyaar u aheyn iney Dowlada kala shaqeeyaan qaadista Canshuuraha.

Suuqyada Mogdishu Oo Xiran:-

Suuqyada xiran ee saaka haawanaya Waxaa ka mid ah Suuqa Bakaaraha, Suuq bacaad iyo Suuqyo kale oo ku yaalla magaalada, mana jiro wax dukaameysi ah oo saaka ka socda, Shaqo joojintan ayaa timid kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuraha iibka loo yaqaan VAT oo laga qaadayo Merchant oo ah akoonada ganacsiga.

339950cookie-checkVilla Somalia Oo Heshiis Hordhac ah la Gaartay Wakiilo ka Socda Ganacsatada Xili Xiran Yihiin Suuqyada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com