Ma Dhabaa In Farmaajo & Rooble ay Iska Kaashanayaan Dib U Doorashadooda

Somalia news

Bilhii ugu dambeeyay waxaa moodaa inuu soo shaac baxaayay is-xulufeysi u dhaxeeya Farmaajaha Fashilmay, Kheyr iyo Sheekh Shariif, Isbaheysatadaan Danleyda ah ayaa taageerayaashooda iyo kuwa u qaabilsan Baahinta Waraka been abuurka faray iney bartilmaameedsadaan Rooble iyo Dani…

Qorshahaan ayaa ku qotoma sidii loo sumcad dili lahaa Rooble (Wasiirka 1-aad) iyo Mr.Dani (Madaxweynaha Puntland), isla markaasna tushuush loogu gelin lahaa Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya Degaanada Maamulada Puntland & Jubbaland isla markaasna looga faa’ideysto in dhaqaale lagu soo xero geliyo, inkastoo ayaan darrada heysata (Farmaajo iyo Kheyre) ay ku hor kufeen 5-tii sano ee ugu dambeysay kuna fashilmeen Howlaha Qaran ee loo igmaday.

Khubarada u kuur gala Arrimaha Siyaasada gudaha ayaa u arka in Shaqsiyaad fashilmay Siyaasada uu damac ka galo iney dib u soo laabtaan saaxada siyaasada, waana ayaan darro in wakhti kale ka lumiyaan Shacbiga Soomaaliyeed, Shaqsiyaadkaan ayaa xiligaan abuuraya iney heystaan Dhaqaale aan xadidneyn oo Qaranka ka xadeen.

165460cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo & Rooble ay Iska Kaashanayaan Dib U Doorashadooda