Share the post "Villa Somalia Oo Mar Kale Ciidamo Diyaarado ku Daabuleysa & Jihada loo Wado.."
Inkastoo aysan duruus ka baran Fashilkii iyo guuldaradii Qorshii Ciidamo loogu daabulay Degaanka Raskambooni ayaa haddana Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia uu diyaarinaaya inuu Ciidamo ku daabulo degaano ka tirsan Gobolka Gedo, si ay cadaadis ugu saarto Maamulka Jubbaland..
Xuuraanada soo gaaraya Warsidaha Diinah.com news ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Xasan Sheekh uu dejiyay qorshe cusub uu Ciidamo ugu daabulaayo degmooyin katirsan gobolka Gedo, uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland ee iskii isku caani shubay inuu Xukunka heynaayo si ay cadaadis hor leh u saaraan.
Degmooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo Baledxaawo ayeey Dowladda Ciidamo hor leh oo katirsan kuwa Lugta ku daadgureeneysaa, waxeyna dooneysa in guud ahaan Maamulka Gobolka Gedo laga bixiyo gacanta Maamulka Jubbaland, inkastoo aysan wali kasoo kaban Jabkii iyo guuldaradii kala soo hoyatay Dirirtii yareyd ee Degaanka Raskambooni.