Horjoogayaasha Shababka Oo Digiino Adag U diray Culumaa’udiinka Caasimada

Somalia news

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa Tiro Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala tirsan Xarakooyinka dalka ka dhisan ayaa Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka uga yeereen duleedka magaalada Mogdishu, waxeyna uga digeen iney qeyb ka noqdaan gulufka colaadeed oo kooxda dhanka ka ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjoogayaasha Shababka barwo u direen Qeybo ka tirsan Culumaa’udiinka Xarkooyinka Diimeedka (Sida Suufiyada, Ictisaamka iyo Akhwaanul Muslimiinka), kuwaasoo kula kulmay duleedka magaalada Mogadishu, waxaana qaabilay Horjoogaha Wilaayada Benadir Muuse Caraale wuxuuna uga digay Culumaa’udiinka iney ka qeyb Ololaha Xarakada looga soo horjeedo.

Digniintaan ayaa soo shaac baxday kadib markii Wasiirka Cadaalada Sheelh Mukhtaar Roobow uu si hoose u wado abaabul xoogan oo Shirweyne loogu qabanaayo Culumaa’udiinka Caasimada si kicin iyo abaabul loogu dhiiri geliyo Shacbiga iney ka qeyb qaataan Kacdoonka dhanka ka ah Kooxda argagixisada Shababka oo si xowli ah uga socdo qeyb ka mid ah Gobolka Dalka.

214060cookie-checkHorjoogayaasha Shababka Oo Digiino Adag U diray Culumaa’udiinka Caasimada