Villa Somalia Oo Shuruudo ku Xirtay Wada Hadalo ay la Yeeshaan Horgolada Kooxaha Argagixisada..

Somalia news

Inkastoo La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Somalia uu ganafka ky dhuftay iney Kulan la yeeshaan Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka shuruudna ku xiray, hadana waxaa soo shaac baxaaya warar si weyn loo hadal hayo inuu wada xaajood ku dhex mari doono labada dhinaca magaalada Dooxa, si hoosena loo wado qabanqaabada…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulankaan uu ka dhici doono magaalada Dooxa 22-ka ilaa 24-ka Bisha Luuliyo, waxaana dadaalo iyo wakhti badan gelinaaya Dowladaha Norway, Qatar iyo USA, iyadoo Kulankaan uu 3-Weji yeelan doono, kuwaasoo kala ah:-

-Wada Hadalo furan oo ay ka qeyb galaan Ergo Qurbe joog ah iyo kuwa Qorax joog ah.

-Wada Xaajood albaabada u xiran yihiin oo ay yeeshaan Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Argagixisada kuwaasoo xiligaan Saameyn badan ku laheyn Howlgalada.

-Fulinta Go’aanada la gaaro oo shaki badan laga muujiyay.

Dowlada Qatar oo horey u fududdysay Heshiis dhex mara USA & Dowlada Islaamiga ee Taliban ee Dalka Afghanistan, taasoo horseeday in Kooxda Hubeysan ay akhirkii la wareegaan Talada Dalkaasi, kadib markii ay burburtay Dowladii ay Dhiseen Dowlada Mareykanka.

333850cookie-checkVilla Somalia Oo Shuruudo ku Xirtay Wada Hadalo ay la Yeeshaan Horgolada Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *