Maqaal:-Dhaqista Lacagaha & u Dhisida Guryaha Siyaasiyiin Fashilmay

Somalia news

Dad badan ayaan aqoon durugsan ama faham ka heysan dhaqista Lacagaha (Money Laundry), Lacagtaan ayaa badnaa ah mid xaday ama laga macaashay Iibinta Mandooriyaha inta la nadiifiyo laga dhigo lacag sax ah, iyadoo nidaamkaani uu yahay xiligaan mid ku baahsan Aduunka, waxaana inta badan fuliya Madaxda xilka heysa iyo Horjoogayaasha Kooxaha Maandooriyaha ka madax ah iyo kuwa dhaqaalaha ku hela madax furashada dadka la afduubto…

Howlahaan ayaa la wariyay iney ku sanadihii ugu dambeeyay ay ku soo kordheen Qaarada Africa Sida Somalia, Nigeria, Kenya & SouthAfrica, waxaana jira habab kala duwan oo lagu qariyo lacagaha dhaqista waxaana ka mid ah:-

Meeleynta (Placement):-

Habkaan waa farsamo aad u isticmaalaan Kooxaha lacagta dhaqa, taasoo ah in Lacagta la geeyo Bangiyo Caalami ah oo Madaxda Dowladaha ku geynayaan qaab ganacsi ama iibsasho Saamiyada Guryo, Hoteelo ama Shirkado ama laga dhigo (loo bedelo) Dahab iyo Dheeman), iyadoo loo ekeysiinaayo Lacago Sharci ah oo lagu shaqeeyay kadibna la dhigo Bangiyo kale.

Lakabeynta (Layering):-

Habkaan waa in lacagaha la marsiiyo noocyo kala duwan badeeco ganacsi sida in lagu daro Ganacsiga Shidaalka, Qeybaha Raashinka iyo Bagaashka, ama sharar badan la geliyo ugu dambeyna loo ekeysiiyo lacago nadiif ah oo si xalaal ah laga dhigo.

Integration:-

Labadaan Nidaam ayaa ah kuwo caan ka ah Aduunka, inkastoo nidaamyadaan ay soo shaac baxaan xiliyada dambe hadii baaris dhab ah la geliyo, waxaa kaloo jira in nidaam dhaqaale lagu uruuriyay si samafal ah, waxaad arkeysaa Madax hore oo sheeganeysa iney Foundation dhiseen oo dadka lagu taageeraayo (ama) qaaraan lagu uruurinaayo si loogu dhex qariyo Hantida laga dhacay Shacbiga Soomaaliyeed.

192820cookie-checkMaqaal:-Dhaqista Lacagaha & u Dhisida Guryaha Siyaasiyiin Fashilmay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Maqaal:-Dhaqista Lacagaha & u Dhisida Guryaha Siyaasiyiin Fashilmay

Comments are closed.