Waaxda Arrimaha Dibeda ee USA Oo Digniino Amni ka Soo Saartay Somalia..

Domestic News Security Somalia news

Qoraal ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibeda ee Dowlada Mareykanka ayeey Muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan Dalka Somalia, iyadoo u cuskatay khataraha xiligaan taagan, Kooxaha fuliya Dembiyada Abaabulan, kuwa Argagixisada, halista Caafimaad, Afduubka, Burcadbadeedka & Qalalaasaha Siyaasadeed..

Dginiinta oo heerkwwdu ku sheegeen Heerka 4-aad, iyadoo ku xusay qoraalkooda in Kooxaha argagixisada ay weli ku howlan yihiin abaabulka iyo qorsheynta Weeraro ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha Mogadishu, Xarunta Xalane, Dekeda. xarumaha Dowlada, Hoteelada, Ganacsiga (Malls) iyo goobaha Dadku ku badan yahay, waxaana dhici karta iney u adeegsadaan weeraro kedis ah, Ismiidaamin iyo Qaraxyo.

Wararka ayaa sheegaya in Shaqaalaha Mareykanka la dul dhigay amaro ah ineysan dhaafi karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha, iyadoo la xaqiijiyay iney si caadi ah u shaqeyneyso xafiisyada Safaarada iyo Laamaha kale, waxaana Muwaadiniinta lagula dardaarmay iney la socdaan xaaladaha Amniga Somalia una diyaar garoobaan iney safar deg deg ah geli karaan xilli kasta Dukumentiyadoodana safarka sitaan.

Digniintaan ayaa joogto noqotay oo inta badan kuwo lagu cabsi geliyo Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo Hey’adaha Amniga ee Dowlada Federaalka ay kordhiyaan caburinta dhaqdhaqaaqyada Muwaadiniinta iyo isu socodka Gadiidka, ayaan darro Safaarada Marrykanka ma sheegaan xili ay dhici karto iyo halka laga soo xigtay ilo wareedyadaan.

372600cookie-checkWaaxda Arrimaha Dibeda ee USA Oo Digniino Amni ka Soo Saartay Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *