Xildhibaan Qeylo Dhaan Ka Soo Saaray Maraakiibta Shisheeyaha

Somalia news

Waxaa aad u soo kordhaaya Tirada Maraakiibta shisheeye ee Sida Sharci darrada ah uga kaluumeysanaaya xeebaha iyo kuwo Burburin ku haya Jamalada xeebaha Dalka, iyadoo Dowlada Federaalka ay ka gaabisay iney wax ka qabato dhacdooyinkaasi….

Dood ay Xildhibaanada Barlamaanka ka yeesheen Sharciga Burcad-badeedka oo xiligaan horyaala ka doodistiisa Barlamaanka ayaa lagu tilmaamay mid laga soo diyaariyay xarunta Xalane, iyadoo aan waxba laga qaban Maraakiibta Shisheeyaha oo sida sharci darrada ah uga kaluumeysanaaya xeebaha Dalka, isla markaasna ay ilaalinayaan Maraakiib dagaal oo dalalkaasi leeyihiin, tacadiyana u geystaan Kaluumeysatada Soomaalida.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka ayaa ku sifeeyay Sharciga Burcad Badeedka “mid wakhti qaldan yimid una baahan qeexitaan dheeri ah”, wuxuuna intaasi raaciyay in sharcigaani uu u muuqdo mid lagu xakameynaayo Kaluumeysatada Soomaalida Oo hadda quus ka taagan iney jilaabtaan.

Xildhibaan kale ayaa Su’aal ka keenay Cidda fasaxay in Jamalada Xeebaha oo inta miinooyin lagu xiray la burburiyo, isagoo farta ku fiiqay 30-Markab ee kaluumeysatada China Oo shaqadaan ka wada Xeebaha, oo ay Dowlada fasaxa siisay, iyadoo Muwaadiniinta Soomaalida lagu eedeeyo Burcad badeednimo.

Biyaha Somalia ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah goobaha ay ka dhacaan Xadgudubyada ugu balaaran Gaar ahaan Kaluumeysatada Shisheeyaha ee qaarkood hubeysan, mana jirto Dowlad awood u leh iney wax ka qabato dhacdooyinkaasi.

51310cookie-checkXildhibaan Qeylo Dhaan Ka Soo Saaray Maraakiibta Shisheeyaha