Wada Hadal u Socday Madaxweynaha Jubbaland & Ergo ka socota Beeshiisa Oo Horumar laga Gaaray..

Security Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Horumar laga gaaray wada hadal u socday Madaxweynaha Jubbaland iyo 2-beelood oo Khilaaf adag kala dhaxeeyay salka ku hayay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Raskambooni kaasoo Xoogaga Jubbaland ku qabteen tiro badan oo labadaan berl ka soo jeeda…

Wararka ayaa sheegaya in Jubbaland ayaa cafis u fidisay Ciidamo ka tirsanaa Maamulkaasi oo horey uga goostay kuna biiray kuwa DF oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo Madaxweynaha Axmed Madoobe, iyadoo ay Xabsi ku yaal magaalada Kismasyo lagu hayay 300 oo Askari oo Labadaan beel ka soo jeeda.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ayaa ku guuleystay inuu si nabad ah ku soo xareeyo tiro Ciidamo ah oo ka mid ah kuwii u la goostay Gudoomiyihii hore ee degmadaasi kuwaaso ka hor yimid Hogaanka Maamulka Jubbaland.

358240cookie-checkWada Hadal u Socday Madaxweynaha Jubbaland & Ergo ka socota Beeshiisa Oo Horumar laga Gaaray..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *