Digniino Amaan Oo Laga Soo saaray Qulqulka Kooxda Shababka ee Caasimada

Somalia news

Warbixino amaan oo hordhac ah ayaa muujineysa in Magaalada Mogdishu ay todobaadyadii ugu dambeeyay ku soo qulqulaayeen Horjogayaal, Qoysaskooda iyo maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo ka soo cararay Gobolada iyo degaanada dagaalada looga xoreeyay…

Iyadoo Digniino amaan oo dhawaanahaan ay soo saarayeen Hey’adaha Sirdoonka Reer galbeedka ay farta ku godeen iney dhici karto iney Kooxo Naftood halifayaal ah iyo Gaadiid miineysan lagu weeraro dhismayaasha Dowlada, Hoteelada, xarumaha ganacsiga (Mall’s-ka) iyo Isbaarooyinka amaan ee ku wareegsan Garoonka Diyaaradaha.

Xogtaan ayaa sheegtay in Xarumaha Seddex wasaarad oo ka tirsan Dowladda Federaalka (Wasaaradaha Artimaha Dibeda, Qorsheynta iyo Waxbarashada) ayaa la sheegay in muddo 3 bil ku dhaw aan loo shaqo tegin culeys amni awgeed oo ah KM-5 ay ku yaallaan gudaha Muqdisho.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu wax ka qabto xaalada Amaan ee Caasimada, wuxuuna wakhtigiisa inta badan ku bixiiyaa safaro dibada ah, halka dagaalo uu iclaamiyay ay u muuqdaan kuwo gaabis ah degaano yar ku kooban isla markaasna Ciidamada Dowladda ay Isbaarooyin ay baad ku qaataan dhigteen Wadooyinka Caasimada Shacbigana lagu dhibo.

230960cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo saaray Qulqulka Kooxda Shababka ee Caasimada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com