Wararka Baraha Bulshada Lagu Faafiyo & Xaqiiqda Dhab ahaan Sida Lagu Ogaan Karo..

Somalia news

Guud ahaan Aduunka iyo Gaar ahaan Somalia qarsoodi ma ahan Dalalka ama Wakaalado iyo Shaqsiyaad ay macluumaadka khaldan ee war been abuur ah ay buuxiyaan Baraha Bulshada, Macluumaadkan khaldan ayaa ku badan mawduucyada qaarkood marka loo eego kuwa kale, Daraasaduhu waxay muujiyeen tusaale ahaan, in saddex-meelood laba meel oo muuqaallada la xiriira ay ku jiraan macluumaad khaldan…

Waxaa jira sababo badan oo horseeda in macluumaadka khaldani uu si degdeg ah u faafo, Sida laga soo xigtay cilmi-baarisyada qaarkood, waxeyna ku faaftaa si ka dhaqso badan xogta saxda ah, sababta oo ah in dadku aysan aad ugu mashquulin hubinta sax ahaanshaha, Marka laga hadlayo inaanan ku dhicin dabinka macluumaadka khaldan ee warbaahinta, talaabada ugu horeysa waa inaan ogaano khaladaadkeena bini’aadam ahaan, oo ay kamid tahay rabitaankeena degdega ah ee ah iyo inaan rumaysno waxa aan rabno.

Daraasado ayaa muujinaaya inay jiraan xeelado badan oo fudud oo la taaban karo oo aan awoodno isla markaana ay tahay inaan barano ka hor intaanan rumeysan sheekada, waxaa ka mid ah mid loo yaqaan habka SIFT. Waa hab uu sameeyay khabiir ku takhasusay dijitaalka, oo lagu magacaabo Mike Caulfield, wuxuuna ka kooban yahay afar tallaabo, kuwaas oo ay fududahay in la xasuusto.

Joojinta Akhrinta Macluumaadka Khaldan:-

Marka aan online-ka joogno, waxa noo soo baxa warar qulqulo badan oo xawli ku socda, warar xamaasad leh iyo nuxur, kuwaasoo ina gelinaya afkaar degdeg ah, Haddii aan rabno in aan la soconno macluumaadka khaldan ee warbaahinta, deg-degga ma ahan xalka ugu fiican.

Hubinta Isha Wararka:-

Qoraalladu waxay ka soo baxaan boggaga warbaahinta bulshada mar walba, laakiin ma garanayno cidda sameysay, Waxa laga yaabaa in aan ognahay cidda u samaysay, laakiin weligeen maynaan eegin taariikhdiisa.

Raadi xogo wanaagsan:-

Haddii aadan ku kalsoonayn isha kadib marxaladda labaad, waa inaad sii baartaa in isha wararka, goob wareed si fiican loo yaqaan, ay daabacday warka lafteeda oo aad xaqiijisatay.

Raad raac Warka iyo asal ahaantiisa:-

Raadinta boggaga kale ee daabacay warka waxaa ka mid ah la socodka isha wararka. Laakiin raadinta halkan xoogaa way ka duwan tahay sababtoo ah waxaad rabtaa inaad gasho asalka sheekada iyo cidda abuurtay.

Maanta, qof kastaa wuxuu soo dhigi karaa eedeymaha baraha bulshada, Qof kasta ayaa dib u daabici kara oo si weyn ayaa loo yaqaan, Mas’uuliyaddu waxay ina saaran tahay qof kasta oo naga mid ah inuu xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo waxa uu daabaco, waxa uu dib u daabaco, iyo waxa uu ku muujinayo sida uu ula dhacsan yahay gudaha Internetka.

326130cookie-checkWararka Baraha Bulshada Lagu Faafiyo & Xaqiiqda Dhab ahaan Sida Lagu Ogaan Karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com