Maxaad kala socotaa Ilaha Dhaqaalaha ee Macaashka Badan oo dunta isugu xiray Dowladda & Shababka

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Saraakiil ka tirsan Maamulka Dowladda Federaalka iyo Horgalada Kooxda argagixisada ay si isku mid ah Malaayiin US$ ah macaash badan uga sameeyaan noocyo badan oo ganacsiga ah sida ay muujinayaan baaris hordhac ah oo la sameeyay…

Qeybahaan oo furumaha dagaalka Isaga soo horjeedaan ayaa hadana waxaa meelaha qaarkood si furan ganacsigooda isku dhex gooshaan, waxaana ka mid ah Dekedaha Mogadishu, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera, iyadoo laga dhoofiyo Xoolo nool oo si baad ah kooxda argagixisada uga qaadaan Shacbiga Soomaaliyeed ku darsoo waxaa ka mid Dhuxusha, liinta Qalalan Sisinta iyo Noocyada kale.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Dhaqaale buuran uu kaga soo xaroodo Horgalada Argagixisada Dhoofinta Dhuxusha 15-millions US$, isla markaasna ay ku maalgeliso Maleeshiyaadkeeda iyo Howlgalada, iyagoo lacago baad ah ku qaadaan “birta Siinka dheer”, halkaasoo la xaqiijiyay iney ku qeybsadaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Xasan Gurgurte.

Ku darsoo Dekedaha Dalka ayaa laga dhoofiyaa Xoolo Nool oo la soo dhacay, Halka Liinta qalalan, Sisinta iyo Dhuxusho laga dhoofiyo Dekedaha, marka laga yimaado Mowqifka Dowladda ay ka taagan tahay kooxda Argagixisada, waxaa muuqata in danaha gaarka ah ay ka adkaadeen marka ay timaado ka faa’iseysiga ganacsigaan macaashka badan leh.

261300cookie-checkMaxaad kala socotaa Ilaha Dhaqaalaha ee Macaashka Badan oo dunta isugu xiray Dowladda & Shababka