Wararkii Ugu Dambeeyay Dambeeyay Ee Diyaaradii

Politics

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaarad Rakaab iyo Xamuul u Siday Hey’adda RedCross Faraceeda Somalia, oo ay Ciidamada Ethiopia ay ku soo rideen Garoonka Diyaaradaha Bardaale ee Gobolka Bay….

Diyaaradda oo ay laheyd Shirkadda African Airways ayaa waxa ay aheyd nooca yar yar ee 30ka ruux qaada, waxaana saarnaa xamuul ay laheyd Hay’adda ICRC.

Dadkii ku dhintay diyaarada ayaa gaaraya lix ruux oo maggacyadooda lagu kala sheegay.

1: Captan Xasan Muuse Bulxa.
2: Captan Mabruuk
3: Captan Cumar
4: Eng u dhashay dalka Kenya
5: Cali Madaxgaduud oo ahaa Mas’uulkii Xamuulka loo waday
6: Saciid Cabdulaahi Maxamed, Wakiilkii Shirkadda.

Muuqaal Satelite-ka uu duubay ayaa muujinaayo in diyaaradda 5KM u jirtay Runwayga Garoonka, sidoo kalana muuqaalka uu muujinayo diyaaradda in Hubka lidkaart Diyaaradaha si ula kac ah loogu dhigtay sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Ibbi oo ka tirsan Golaha Shacabka, sidoo kalena ka mid ah Milkiilayaasha Shirkadda African Airways.

31960cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Dambeeyay Ee Diyaaradii