Share the post "Warbixino Dheeraad ah oo La Xiriira Shilkii Diyaadadeed ee Ku Burburtay Somalia.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shilkii Diyaaradeed oo abaarihii 17,43 shalay galab ku burburtay meel u jirta 24-KM dhanka Konfur galbeed ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu, sida ay qoraal ku xustay Hey’adda Duulista (SCAA)…
Diyaaradaan Burburtay oo ay iska laheyd Shirkadda Duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd, serial-keduna 109,nooceeduna aheyd DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd sumadda diiwaangelinta 5Y-RBA, diyaarada ayaa ka soo duushay magaalada Dhoobley (HCDB) ee xuduuda Somalia iyo Kenya waxaana saarnaa 5-Qof ah, waxayna ku soo socotay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho.

Qoraal hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhamaan Shantii qof ee Diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay’adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan, Hay’adaha Dowladda ee adeegyada gurmadka degdegga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba bilaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka, Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay.
Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo Degaanada ay adag tahay in lagu safro, Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Somalia.