Qurba-joogta Somalia Oo Kulan looga Faa’iideysanaayo Maalgashiga uga Furmaaya Mogadishu

Somalia news

Magaalada Mogadishu ayaa waxaa ka furmay Kulankii 2-aad ee qurbajoogta, kaasoo ay Dowlada Federaalku ku doonayso inay muwaadiniinteeda ku nool dibadda uga faa’ideysato fursadaha maalgashi ee ay ku nool yihiin, inkastoo musuq hareeyay Mudada Sanadka ah iyo dheeraadka sh ay jirtay….

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Wakiilo ka socday Bulshada Rayidka ah oo ay ku jiraan qurba joogta ayaa ujeedadiisu tahay sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalka, islamarkaana ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Qurba-joogta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka ciyaaraan hab-nololeedka Soomaaliyeed iyagoo u maraya xawaaladaha, gargaarka bini’aadantinimo, iyo ka qayb qaadashada dadaallada dib u dhiska ah,” ayuu yiri Abshir Cumar Jaamac, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka.

Kulanka ayaa looga hadlayaa doorka muhiimka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dhismaha & Horumarka Dalka iyo sida ugu wanaagsan ee ay dowladdu wax uga qaban karto dhibaatooyinka ay ku qabaan Dibada.

265230cookie-checkQurba-joogta Somalia Oo Kulan looga Faa’iideysanaayo Maalgashiga uga Furmaaya Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com