Warbixino La Xiriira Dagaaladii Galabta & Caawa

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay dagaaladii galabta iyo Caawa ka kala Dhacay Degmooyinka Cabdicasiis iyo Hodan ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Hogaamiye kooxeedka soo daahay looga dilay 10-Askari halka 30- kale looga dhaawacay, Askarta geeriyootay ayaa la sheegay iney saarnaayeen Gaadiidka qafilan ee la gubay (4) Gaari….

Dhanka kale, Warar ayaa sheegaya in Farmaajo inuu caawa ku sugan xaalad cakiran, iyadoo warar kale ayaa sheegaya in doonaayo inuu is casilo oo magangeliyo weydistay Ciidamada Amisom ee xarunta Xalane.

Midowga Musharixiinta oo eedeymo culus u jeediyey AMISOM & dowlada Turkiga, iyagoo ku Eedeeyay iney ku lug lahaayeen dagaalada ka dhacay galabta iyo Caawa Magaalada Mogadishu, Amisom ayaa lagu Eedeeyay iney Rasaas siiyeen Xoogaga Fahad Ee NISA, halka Turkiga ay Gaadiid, Rasaas iyo Ciidamo ku biiriyeen Dagaalkii dhacay.

114290cookie-checkWarbixino La Xiriira Dagaaladii Galabta & Caawa