Maxaa Xiligaan ku Riixay Horgalada Xisbiga Daljir iney La Xiriiraan Horgaladii Farmaajo..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo muddo soo jiitamaayay una dhaxeeya Horgalada Xisbi-Diimeedyada Demu jadiid iyo Daljir, kuwaasoo muddo sanad iyo dheeraad ku ahaa shuraako Talada iyo jiheynta Siyaasada iyo boobka Xilalka Dowwladda Federaalka, waxaana la sheegay in xiriirka uu gaaray halkii ugu hooseysay..

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu aad uga carooday xiriiro qarsoodi ah uu Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari oo ka Wakiil ah Gudoomiyaha Xisbiga Daljir Xasan Macallin la sameeyay Fahad Yaasin iyo Gacan-yarihiisa Cabdiraxmaan Dheere, waxaana u kala dab qaaday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyagoo ka dooday sidii loo hirgelin karo dhismaha Isbaheysi ay ku midoobi karaan.

Kulankaan ayaa la sheegay in looga dooday sidii xilal gaaraiisan Danjirayaal looga siin lahaa taageerayaasha Fahad Yasin, Isbaheysigan siyaasadeed ayaa ujeedkiisu tahay in lagu duufsado Urur-diimeedkaan laguna jilciyo siyaasadda fashilka ee kooxda Demu jadiid.

268890cookie-checkMaxaa Xiligaan ku Riixay Horgalada Xisbiga Daljir iney La Xiriiraan Horgaladii Farmaajo..