Ciidamada Turkiga ee Sadat & kuwa Gorgor oo laga soo Dejiyay Mogadishu..

Security Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa 500 oo Ciidamada Gorgor ka tirsan ayaa dib looga soo celiyay Tababrkii ay ku qaadanaayeen Xeryaha Tababarada Ciidamada Turkiga ee Magaalada Isparta, si loo xoojiyo Amaanka Dalka, waxaana soo daabulaaya tiro Diyaaradaha (C-17) Xamuulka Ciidamada Dalka Qatar kuwaasoo ka soo dejiyay Magaalada Mogadishu..

Xuuraanada ayaa intaasi raacinasya in Boqolaal ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Turkiga (Sadat) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho oo maanta kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 500-Askari, waxaana lagu wado in imaatinkoodu kor loogu qaado difaaca Dalka, talaabadani waxay bixisaa nafis ku meel gaar ah laakiin ma noqon karto xal waare waqti dheer ah, iyadoo Maamulka Ankara cadeeyeen in aanay ku dhex milmin doonsiyaasadaha gudaha & garabyada siyaasada isku haya.

Hogaanka Taliska Ciidamada Xoogaga Dalka ayaa lagu wadaa in isbedel lagu sameeyo kafib fashilkii Degmada Aadan yabaal, waxaana miiska saaran liiska 4-Xubnood kuwaasoo la sheegay inuu Madaxweynaha ku xulanaayo Daacadnimadooda Taliska Fashilmay halkii lagu soo xuli lahaa Mudnaan, Karti iyo Aqoon iyo Waayo aragnimo, farsamada xumida iyo xulashada tayadooda hooseysa ee Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia ayaa horseeda in la geliyo dagaal lagu hoobtay oo niyad jab dhaliyay.

368990cookie-checkCiidamada Turkiga ee Sadat & kuwa Gorgor oo laga soo Dejiyay Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *