Digniino Laga Soo Saaray Abaaraha & Fatahaadaha

Somalia news

Warbixino hordhac oo welwel xambaarsan ayaa laga helayaa Khubarada ku xeel dheer Dhaqaalaha iyo Degaanada, waxeyna farta ku godeen in hadii aan la diyaarin qorshe cad sanadaha soo socda, uu Dalkaan (Somalia) isku bedeli doono Xarumaha barakacayaal gudaha ah…

Khubaradaan ayaa xusay in xoolaha dhaqatada iyo Beeraleyda ay aad u saameyeen Is bedelka Cimilada Talaabadaan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba isla markaana ay raad kaga tageen duufano iyo fatahaada kala dambeeyay oo ka dhacay gobollada Dalka, iyadoo degaanada qaarkood laga soo sheegaayo biyo yaraan.

Wararka ayaa sheegay in Gobolada Dhexe, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka ayaa abaarta iyo biyo la’aantu ka jirto, waxaana lagula talinayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada iney la yimaadaan qorshe Qaran loo sal balaaran sidii loogu diyaar garoobi lahaa Masoobooyinka mustaqbalka Ee Abaaraha, Fatahaadaha iyo Duufaanada iyo in la diyaariyo keyd Raashin Qaran.

Dhibaatada xiligaan jirta wataan ah in Dadkeeni xoola dhaqata iyo Beeraleyda ahaa inta ay Miyigii ka soo cararaan ayeey waddooyinka agtooda ay degeen iyaga oo ilaashanaya gaari cad, oo marka hay’addi lacag siiso kii xoolaha la joogayna uu iskaga soo dhaadhacayo, dadkaasina xalka ay u baahan yihiin waa iyada oo dib u xoolayn loo sameeyo, wixii beeralay ah in beerihii loo haggaajiyo, iskuuladii in loo dhiso, biyihiina in loo hagaajiyo, waana arrin u baahan in Qaran ahaan laga wada tashado, mana muuqato in Maamulka Xiligaan talada hayo inuu ku baraarugsan yahay dhibaatada baaxadeeda.

151330cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Abaaraha & Fatahaadaha