Wariye Damiin Lagu Sii Daayay

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Wariye ka tirsan VoA oo maalmo ku xirnaa, kaasoo Maamulka Konfur Galbeed ay dhowaan ka qabteen Hoteel ku yaal magaalada….

Wararka ayaa sheegaya in Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka tirsan Laanta afka Somaliga ee VOA maalintii Isniinta lagu xiray Magaalada Baydhabo, kadib markii laga soo qabtay Hotel Jeeri Tower.

Wariyaha ayaa xalay laga sii daayay Sadhiga Bari ee Magaalada Baydhabo, iyadoo lagu eedeeyay Qodobka 271 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana xirtay Maleeshiyaad ka amar qaata Mr.Qortagareen, iyadoo uu Wariyuhu ku raadinayay fursad uu xabsiga ku soo dhigi karo, iyadoo uu maamulkiisu horey uga gilgishay warbixin uu Wariyuhu ku faah faahiyay dadkii 16 bilood ka hor ay Xoogaga amaanka ku laayeen Magaalada Baydhabo, kadib xarigii aan sharciga ahayn ee loo gaystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi uu damiintay Wariyaha, kadib markii uu wadahadal dhex maray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ku sugan dalka Turkiga.

29530cookie-checkWariye Damiin Lagu Sii Daayay