Share the post "Wariye ka tirsan Warbaahinta dowladda oo xaaladiisa Caafimaad Laga Deyrinaayo"
Wararka naga soo gaaraya Isbitaalk Martiini ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xaalad caafimaad darro oo liitada halkaasi ay ku haysato Wariye ka tirsan Warbaahinta dowladda…..
Wardiyahaan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Cali oo ku magac dheer (National) ayaa la sheegay inuu naqaska ku dhagay oo saaka loola cararay Isbitaal Martiini, balse ilaa hadda aysan jirin cid wax ka qabatay xaaladiisa caafimaad.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku sheegay in xaaladda wariyaha aad looga dayrinaayo, maadaama naqaska uu ku dhaqan yahay qalabkii neefsiiyaha Bukaankana uusan oolin Isbitaalka.
“Maxamed Xasan Cali (National) waa wiil dhalinyaro ah oo katirsan Wariyeyaasha SNTV, wuxuu yaalaa Isbitaal Martiini, xaaladiisa caafimaad aad ayaa looga dayrinayaa, kadib markii naqaska ku dhegay loona waayay oksijiin lagu xiro❗️Mudane Madaxweyne waxaan mar labaad ku celinaynaa in la soo celiyo mashiinkii (ventilator kii) laga qaaday Isbitaalka si loo badbaadiyo nolosha shacabka aad Madaxweynaha u tahay ee maalin walba u dhimanaya baahi ay u qabaan mashiinka ku agyaala.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.