Ma Dhabaa in Deni uu Villa Somalia Teegeero uga Raadsanaaya Qorshihiisa Muddo Kororsiga

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in kadib markii Madaxweynaha Puntland uu ku gungoobay damaciisii ahaa inuu Saaxiibada Somalia ka dhaadhiciyo Barnaamijkiisa degaan Doorashada ee qof iyo cod, isla markaasna ay ka biyo diideen Madaxda Xisbiyada iyo Odayaasha Dhaqanka…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa qorshaynaya inuu dhammaadka bishan October safar qarsoodi ah ku tego magaalada Muqdisho, safarka Deni ayaa qabsoomaya sida qorshuhu yahay maalmo kadib markii uu furo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland waxa uu safar kooban oo qarsoodi ah ku tegi doonaa magaalada Muqdisho sida ay xogo hoose caddaynayaan.

Ilo wareedkaan ayaa muujinaya in Madaxweyne Deni uu halkaas u tegi doono ajandayaal qarsoon oo salka ku haya mudda kororsi lagu dhex qarinayo doorashooyinka qof iyo cod, wuxuuna Madaxweynaha Somalia ka codsan doono taageero si uu u hirgeliyo ajandayaashiisa.

Dhanka kale, waxaa maalinta berito ah lagu wadaa in Xariga laga Jaro mashruuca Dhismaha Dekeda Garacad, waxaa lagu martiqaaday Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Dekedaha Dowlada Federaalka, Madaxa Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Wufuud ka socota Dalka Jabuuto.

219950cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu Villa Somalia Teegeero uga Raadsanaaya Qorshihiisa Muddo Kororsiga

1 thought on “Ma Dhabaa in Deni uu Villa Somalia Teegeero uga Raadsanaaya Qorshihiisa Muddo Kororsiga

  1. Deniyow Dadka iyo Degaanka dulmiga ka jooji cidi kaa yeeli meyso inaad muddo kororsi sameysato

Comments are closed.