Wasiir Diiday Mashaariic Hormarineed

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Wasiir is-hortaagan ku sameeyay Mashaariic hormarineed oo la doonaayay in laga hirgeliyo degaanada beeraha ee ku xeeran Gobolka Shabeelada Dhexe…

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamal Maxamed Xasan ayaa in mudo ah wuxuu hortaagnaa mashaariic loogu talagalay in laga hirgaliyo degaano ka tirsan dhuul beeraadka Gobolka Shabeellada Dhexe, Mashaariicdaan oo ay ku baxayso Malaayiin USA$ ayaa ahaa kuwo lagu hormarinaayo beeraha, ka hortaga fatahaada Webiga iyo mashaariic loogu talagalay in lagu abuuro iskaashatooyinka ku dhaqan deganaka Shabeellada Dhexe.

Xiligii maamulkii Kacaanka waxaa Gobolka Shabeellada Dhexe laga hirgaliyay mashaariicyo lagu hormariyay wax soo-saarka dalka kuwaas oo isugu jiray warshado, beero iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Dowlada Shiinaha oo sanadadii sideedamaadkii ka hirgalisay mashaariic dhaqaale deegano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa waxa ay u soo gudbisay dowlada  Fedaraalka Soomaaliya mashaariic ay doonaysay inay ka hirgaliso deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe. Qoraalo iyo naqshadiihii mashaariicdaas ayaana lala wadagaay Wasaarada Qorshaynta Qaranka.  Nasiib xumo waxaa mashaariicdaan  ishoristaagay  Wasiirka Wasaarada Qorshaynta  Jamal Maxamed Xasan isaga oo aan bixin waxa sabab ah.

Si hadaba looga hortago qorshaha guracan ee Wasiir Jamal waxaa lama huraan ah in xildihibaanada Fedaraalka ee ka soo jeedo deeganada hoos yimaada Gobolka Shabeelladda Dhexe ay su’aalo ka waydiinaan Jamal sababta uu u hor-istaagay fulinta Mashaariicda dalka Shiinaha.

27750cookie-checkWasiir Diiday Mashaariic Hormarineed