Wasiir Fiqi Qorshaha ciidamada AUSSOM qeyb kama ahayn Wada-hadalladii Ankara..

Africa News Security Somalia news

Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay qorshaha ciidamada AUSSOM in uusan qeyb ka ahayn wada-hadalladii magaalada Ankara ee ay heshiiska ku gaareen Somalia iyo Ethiopia, dhawaaqaan ayaa ku beegmay xili Kala guur ay ku jiraan Howlgalka ATMIS iyo AUSSOM…

Wasiirka ayaa sheegay Dowladda Federaalka iney lahaan doonto awoodda ugu dambeysa ee Xulashada Dalalka Ciidamada ugu Deeqaya howlgalka cusub ee  AUSSOM, isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay in Baaqa Ankara uu dib u xaqiijiyay madax banaanida Soomaaliya, midnimada, iyo wadajirka dhuleed, mabaadi’da muhiimka ah isagoo sheegay in dalku uu sii wadayo horumarka iskaashiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ayaa doonaysa inay Ciidamadeeda qeyb kasii ahaadaan howlgallada nabad ilaalineed ee Somalia, kuna biiraan howlgalka cusub ee lagu wado inuu bilowdo sannadka cusub si uu u beddelo ATMIS, inkastoo ay si joogto ah u wadaan fara galin iyo Hub ay ku soo daabulayaan Somalia si qalalaasi iyo Amaan darro u sii socdaan.

353100cookie-checkWasiir Fiqi Qorshaha ciidamada AUSSOM qeyb kama ahayn Wada-hadalladii Ankara..