Maxaa Keenay in Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Beelaha Ku Dagaalamaan Degaanka Maxaas..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ay ku dagaalameen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Beesha Xawaadle ee degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadib markii Askari uu dilay mid ka mid ah kuwa Beesha degaanka…

Is-rasaaseyntaan ayaa timid kadib markii Askari ka tirsan Guutada Cali bin Abii-dhaalib uu toogasho ku dilay nin ka tirsan Maleeshiyaadka Beesha Xawaadle, taasoo horseeday inuu qarxo dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan khasaaraha ka dhashayna uu gaaraayo 3-Ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, inkastoo markii dambe la xakameeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Caawa xaaladu tahay mid degan oo lagu guuleystay in  si deg deg ah loo joojiyo dagaalka dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda, gaar ahaan guutada Cali Bin Abii Dhaalib, Qaboojonta Xiisada dagaalka ayaa waxaa kaalin ka qaatay Odayaasha dhaqanka degmada Maxaas, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

279780cookie-checkMaxaa Keenay in Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Beelaha Ku Dagaalamaan Degaanka Maxaas..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com