Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa guddoomiye cusub iyo ku-xigeenadiisa u magacaabay maamulka gobolka Gedo, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa 7-dii March-2020 isku dhiibay Ciidamada Beesha Madaxweynaha ee degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa wixii ka dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu yimid, isagoo lagu biilo Hoteel ku Magaalada.

Cabdiraxmaan ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo u magacaabay Horjooge Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo ka mid ah Gacan ku dhiiglayaasha uu ku adeegto Horjooge Farmaajo, Macalimuu ayaa muddo ahaa guddoomiye ku-xigeenka Gedo iyo sii-hayaha xilka guddoomiyaha.
Waxa uu sidoo kale magacaabay gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada: Maxamed Cali Xuseen. Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee maaliyadda: Nasteex Cabdi Saalax, iyo madaxa arrimaha bulshada ee gobolka: Ibraahim Maxamed Gubow.
Xubnaha taageersan Mr.Farmaajo ee gobolka Gedo ayaa weli sheegtay magaca Jubaland, oo ay u muuqato mid ay maamulkaas kula sheeganayaan maamulka Axmed Madoobe. Si kastaba, ma cadda sharciyadda uu Cabdiraxmaan u haysto xilalka uu magacaabay iyo sida arrintan ay u shaqeyn doonto.