Maxaa Ka Jira Heshiis Ay Wada Gaareen Xaf Iyo Qorta

Politics

Ilo wareedyo Loo qaateen ah ayaa u sheegay Diinah.com in Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Xarunta Konfurta Magaalada Gaalkacyo Mr.Axmed Ducaale (Xaf) iyo Wakiil ka socday Maamulka Qorta gareen…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Mr.Xaf uu aqbalay in Mr.Qorta Gareen uu fuliyo dhamaan Heshiisyadii hore ay wada galeen Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia, iyadoo uu balanqaadkaasi oo qoraal ah uu soo gaarsiiyay Mr.Yuusuf Garaad oo Ku magacaaban Agaasimaha Asaaginka Xaflada Qorta Gareen oo dhowaan lagu wado iney ka dhacdo Magaalada Dhuusa mareeb.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr.Xaf uu aqbalay inuu ka qeyb galo Xaflada Caleemo saarka Mr.Qorta Gareen oo lagu wado iney ka dhaco Dhuusa mareeb, Degaanada Galmudug oo ay yaalaan Hubka iyo Maleeshiyaadka ugu badan kuwaasoo weli aan ka heshiin dagaalo beeleedyo horey loogu hoobtay ka dhacay, isla markaasna aysan muuqan siyaasad iyo qorshe cad oo Maamulka Villa Somalia uu ku uruurinaayo hubkaasi heshiisna awaarana ka dhex dhaliyo Beelaha Galmudug.

23870cookie-checkMaxaa Ka Jira Heshiis Ay Wada Gaareen Xaf Iyo Qorta