Wasiir Lagu Eedeeyay Musuq & Eex…

Politics

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa warqad u diray laanta socdaalka iyo jinsiyadda JFS taasoo uu ku wargelinaayo in loo cusbooneysiiyo baasaboorka diblomaasiga shaqsi uu ugu yeeray wakiilka dowlad goboleedka Puntland u fadhiya dalka Kenya.

Qoraal oo soo gaartay Aarka Diinah blogs ayaa waxaa la yaab ku noqototay heerka uu gaarsiisan yahay musuqa iyo ixtiraam darrada Wasiir Cawad, Dowlad Goboleedka Puntland waa qeyb ka mid ah dowladda Federaalka ah mana jirto micno ay wakiil ugu yeeshaan dalka Kenya oo dowladda Federaalka ah uu u joogo safiir kaasoo u jooga dalka Kenya danaha Soomaaliyeed oo dhan.

Wasiirka oo degaan ahaan ka soo jeeda Puntland aya waxaa aay warqaddan markhaati ka noqoneysaa musuqa iyo heerka uu gaarsiisan yahay dhanka qabyaaladda iyadoo xiriirka dowladda iyo midka dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland uu gaaray heerkii ugu xumaa, ayaa waxaa dowladda federaalka ay ka qaaday baasabooradii diblomaasiga aha saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland waxaana warqad ka soo baxday Dowladda Federaalka ah lagu sheegay in la hakiyay bixinta baasaboorka diblomaasiga ah.

MW Farmaajo haddii uusan wax ka qaban dhaqanka foosha xun ee Wasiirkaan ayaa waxa ay noqoneysaa arrintan mid loo fasirto in ay qeyb ka yihiin musuqa iyo dhaqan xumada ka baxsan diblomaasiyadda. Waxaana la gudboon in ay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ay dib ula soo noqdaan maadaama uusan matalin shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

21810cookie-checkWasiir Lagu Eedeeyay Musuq & Eex…