Eedeysanaha la soo Qabtay Oo Dilka Xaaskiisa Ku Sababeeyay Qamaarka 1XBET..

Somalia news

inkastoo weli Baaristu ku socoto Gacan-Ku-dhiiglaha Xaaskiisa Jirdil iyo Gubid u geystay kadibna u geeriyootay ayaa haddana warar hordhac ah waxey sheegayaan inuu Eedeysane Sayid Cali ayaa ahaa shaqsi isticmaala qamaarka 1XBET…

Eedeysanaha ayaa ku waayay qamaarkaas lacag gaareysay saddex iyo toban kun oo doollar ($13,000) oo ay ku jirtay lacag ay lahayd Marxuumada, Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku amray iney iibiso Dahabkeeda si uu u soo celiyo Lagactii qamaarka looga helay, Marxuumada ayaa ka biya diiyay arrinkaas oo waxay u sheegtay inaysan diyaar u aheyn iney bixiso dahabkeeda

Waxaana halkaasi ka bilaawday Muranka iyo inuu cabsi geliyo kadib Marxuumada ayaa u carartwy Guriga Aabaheed maalmo kadib Eedeysanaha syaa la xiriiray Aabaheyd uuna dhameynaayo xiisadaha u dhaxeysa, Aabaha dhalay marxuumad Luul, ayaa ku qanciyay gabadhiisa inay kulaabato guriga, waxana markii ay maalmo kadib soo laabatay uu u qabsaday kiiska ah maxaad ugu sheegtay aabahaa lacagta qamaarka iyo inay lacag ay leedahay uu Qamaarka ku ciyaaray.

306600cookie-checkEedeysanaha la soo Qabtay Oo Dilka Xaaskiisa Ku Sababeeyay Qamaarka 1XBET..