Share the post "Wasiirka 1-aad Oo Diyaarinaayay Qorshe-Dagaal oo ka Dhsn ah Kooxda Argagixisada Shababka.."
Kadib markii Madaxweynaha Somalia oo ay wehilyaan Saraakiil iyo Ciidamo ay muddo maalmo degaan Dagaal ka dhigteen Degaanada Hirshabelle, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Wasiirka 1-aad Xamse Cabdi loo xil saaray inuu Hogaamiyo Aaga Shabeelada hoose si weeraro ugu qaadaan Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka..
Abaabulkaan ayaa u muuqda mid lagu xoojinaayo dagaalka dhanka ka ah kooxda Shababka isla markaasna loo xaqiijiyo in laga gaato guulo, iyadoo Hogaanka Villa Somalia lagu dhaliilay qorshe xumo iyo xulushada Saraakiil dagaal oo tayadoodu hooseyso isla markaasna ay Madaxweynaha uu ka dhigay mid beeleed dagaalka dhanka ka ah kooxda Shababka fariisinka ka dhigtay Degaanada Beesha uu ka soo jeedo.
Kooxda Argagixisada oo bilihii ugu dambeeyay Xoogoodii isugu geysay Gobolada Shabeelooyinka si ay dib ugula wareegaan iyagoo taageero ka helayaa Beelaha degaanka qaarkood kuwaasoo masuugay saami Qeybsiga xilalka Dowlada oo Madaxweynaha dhinac ka raray, waxeyna Beeco la galeen Kooxda Shababka kuna soo dhaweeyeen Degaanada ay ka degan yihiin Gobolka Shabeelada dhexe.
Dhawaan waxaa la filayaa in Wasiirka 1-aad iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed iyo kuwa Dowlada Federaalka ay farsiimo ka dhigtaan Degmada Afgooye si ay u hogaamiyaan Howlgalada ka bilaaban doonaan howlgalo, iyagoo rajeynaaya iney guulo ka gaaraan Dalkana Nabad u horseedaan, Dagaalkaan ayaa lagu wadaa iney ka qeyb qaataan Diyaaradaha Dagaalka ee Qumaatiga u kaca iyo Drones-ka.