Wariye Laga Reebay Safar uu ku Sii Jeeday Magaalada Istanbul iyo Sababta…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Duulimaadkii maanta ee Mogadishu-Istanbul ee Diyaarada Turkish Airlines ayaa la sheegay in laga reebay mid ka mid ah Wariyayaasha ka howl gala Warbaahinta magaala Mogadishu Sababo la xiriira..

Xogtasn ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wariye magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo safar u ahaa magaalada Istanbul lana socday Duulimaadkii Turkish Airlines ee Mog-Istan ayaa laga hor istaagay inuu raaco kadib markii uu diiday in Baarista Eyaha ee Garoonka Diyaaradaha iney baaraan Boorsadiisa Safarka.

Ilaa hadda lama yaqaano sababta ku riixday inuu diido Baarista Boorsadiisa, waxaana la sheegay in Saraakiisha Boliiska qeybta Eyaha ay ku wargeliyeen inuusan raaci doonin Duulimaadka Wariyahaan hadii uusan ogolaan in dhowra Nidaamka Baarista Boorsooyinka ee Diyaarada la saaraayo.

284150cookie-checkWariye Laga Reebay Safar uu ku Sii Jeeday Magaalada Istanbul iyo Sababta…