Wasiiro Iyo Xildhibaano Kulmay..

Politics

Waxaa caawa Hotelka Ma’ida (Ex Naasahablood 2) Shir uga socda Wasiirada, Xildhibaanada iyo Senatarada Beelaha Hawiye ee Muxaafadka, waxaa kulanka hoggaaminaya Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, iyagoo ka tashanaaya garabka ay ku biiri lahaayeen..

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in looga hadlayo arrimaha la xiriira Xisbiga Maamulka Farmaajo, xubnaha shirka ka qeyb galaya ayaa ah xubnaha taageersan RW Kheyre, waxaana maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Beeshiisa in aanay dooneyn ka mid ahaanshaha Xisbiga N&N, maadaama Ra’iisul Wasaaraha la hadal haayo inuu ku jiro damac ah inuu is sharaxo, ayna ku riixayaan Xildhibaano iyo Ganacsato ku beela oo maalmahan Nairobi ka waday olole.

21210cookie-checkWasiiro Iyo Xildhibaano Kulmay..