Qeylo Dhaan laga Soo Saaray Doonyo Hub Sharci darro Sida oo ku Soo Badanaaya Degaanada Puntland

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay waxaa xeebaha degaanada Gobolada Sanaag & Bari ku soo badanaayay Doonyo Hub sharci darro ah sida, kuwaasoo qaarkood la qabtay halka qaar kale la sheegay iney baxsadeen iyo kuwa ku degay xeebaha, sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Doonahayaan hubka sida ay soo shiraacdeen Dekedaha ay Maamulaan Kooxda Falaagada Xuutiyiinta, waxeyna 1-dii Bishaan 2-doonyood oo hub ku raran ku soo caariyeen Degmada Bandar beyla ee Gobolka Bari, iyadoo ay saarnaayeen 19-badmaxiin ah oo 3-ka mid ahi ay u dhasheen Dalka Yemen halka inta kale ay degaanada Puntland ka soo jeedaan.

Wararka ayaa sheegay in Hubkaan oo u badnaa Ak47, waxaana gacanta ku dhigay Dadka degaanka, iyadoo la sheegay in kooxdii Doonyaha saarnaa lagu wareejiyay Xoogaga Amaanka Puntland, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Doonahayaan ay ku sii jeedeen Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug oo ay ka taliyaan Kooxda Argagixisada Shababka.

Warar kale ayaa sheegaya in Doonyahaan hubka siday ay u rarneyd Ganacsade caan ah oo degaanada Puntland ka soo jeeda, kaasoo Qandaraas ay ku siiyeen Kooxda Daacishta Somalia ee fariisimada ku keh Buuraha Gobolka Bari (Puntland) inuu hub uga soo gado Dalka Yemen.

198510cookie-checkQeylo Dhaan laga Soo Saaray Doonyo Hub Sharci darro Sida oo ku Soo Badanaaya Degaanada Puntland