Weerar Dhimasho Geystay oo lagu Beegsaday Shaqaale Dhisme ka Shaqeynaayay Duleedka Gaarisa…

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar gaadmo ah oo dhimasho geystay ayaa lagu beegsaday Shaqaale Dhisme ka shaqeynaayay dhisme Isbitaal loo dhisaayay Degaanka Bogyar oo ka tirsan Maamulka magaalada Gaarsia ee Waqooyi bari Kenya..

Wararka ayaa sheegaya in falkaan lagu dilay 4-ta Shaqaalaha ah ayaa la rumeysan yahay iney geysteen geysteen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka, Shaqaalahaan ayaa ka soo jeeda Degaanada kale ee Kenya, ilaa hadda lama yaqaano sababta lagu beegsaday, waxaase marqaati ma doonto ah in Dilkani uu ahaa mid horey loo qorsheeyay laguna cabsi gelinaayo Dadka aan Degaanka ka soo jeedin.

Xoogaga Amaanka ayaa Meydadka Dadka la dilay geeyay Qaboojiyaha Isbitaalka Gaarsia, si baaris (Autopsy) loogu sameeyay, waxeyna bilaabeen baaris la xiriirta Falka Dilka ah inkastoo caadiyan aan gungaar laga gaarin dembiyada la xiriira Dilalka ay geystaan kooxda Shababka, Degaanada Soomaalida Kenya iyo Degmada Lamu ayaa muddo sanooyin waxey Ciidamada Dowlada dagaalo kula jiraan Maleeshiyaadka kooxda Shababka.

330750cookie-checkWeerar Dhimasho Geystay oo lagu Beegsaday Shaqaale Dhisme ka Shaqeynaayay Duleedka Gaarisa…