Kenya Oo Xaraasheysa Diyaarado Duug Ah

Africa News Somalia news

Dowlada Kenya ayaa bilowday inay xaraashto laba ka mid ah diyaaradihii Ciidamada Cirka ee Somalia taasoo muddo soddon sano ah yaalay Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi, diyaaradahaan ayaa laga dejiyay Sanadkii 1991-kii…

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ayaa la sheegay in 17-ka Bishaan November uu qaban doono xaraash 73-diyaaradood oo duug ah, diyaaradahaan ayaa ku diiwaan gashnaa Lambarada 3C-ZZA iyo 8204 noocooduna yahay Antonov-24 Oo ay iska laheyd Ciidamadii Cirka ee Dowladda Somalia, Diyaaradahaan ayaa beecoodu lagu sheegay 73000 US$, waxaana laga doonayaa Dadka daneynaaya iney dhigaan dibaaji dhan 1000-US$.

https://www.ch-aviation.com/portal/news/109246-kenya-set-to-auction-off-73-derelict-aircraft

Sidoo kale 2-Diyaaradood Oo ay iska laheyd Shirkadii Jubba Airways Oo Ku suntanaa EY 534 iyo 5Y BXZ ayaa lagu doonayaa qiimo dhan $4,006, Taliyaha ciidamada Cirka dowlada Federaalka Maxamuud Sheekh Cali oo loo yaqaan (Dable Baylood) ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ah ee BBCda in ay ka war hayaan xaraashka dowlada Kenya ay ku iibineyso diyaaradaas.

149410cookie-checkKenya Oo Xaraasheysa Diyaarado Duug Ah