Weerar Lagu Qaaday Fariisimada Amisom

Politics

Wararka Hordhaca ah ee laga helayo degmada Baraawe ayaa sheegaya in Saakay qaraxyo waaweyn iyo rasaas xoogan laga maqlay xarunta ciidamada AMISOM ee degmadaasi…..

War kasoo baxay Kooxda Shabaabka ayaa lagu sheegay inay weerar loo adeegsaday laba Gaari oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ayna wadaan is-miidaamiyeyaal lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Baraawe, Qaraxyada ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyeedba gaarsiiyay ciidamadii lagu weeraray kuwaas oo intoodii ka badbaaday qaraxyada ay rasaas aad u farabadan fureen goobtiina gabi ahaanba xireen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxyo culus laga maqlay magaalada, kadibna rasaas xoog leh ay xigtay. Ma jiro war ka soo baxay AMISOM iyo ciidamada dowladda ee ku sugan Baraawe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerarka ku qaadeen Garoonka cusub ee degmada Baraawe, waxaana jawaabka bixiyey ciidamada AMISOM.

29700cookie-checkWeerar Lagu Qaaday Fariisimada Amisom