Boliiska Kenya Oo Eedeysanayaal Chinnes ah Ku Wareejiyay Ethiopia

Africa News World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Boliiska Dowladda Kenya kuna soo qabteen 4-Eedeysane oo dhalashadoodu tahay China kuwaasoo lagu eedeeyay iney Dil ka geystern gudaha Ethiopia kadibna u soo baxsaday Gudaha Kenya..

Eedeysanayaashaan oo magacyadoodu lagu kala sheegay Huang Zhipeng, Liv Jie, Wang Ming and Chao Fu Xiuzaong, iyagoo ku dilay Muwaadin China u dhashay Meherad ganacsi ee dabaqa 5-aad ee dhismaha Tolosa Legesee ee magaalada Addis abeba.

Madaxa Xafiiska Boliiska Caalamiga ah ee Ethiopia Tsegaye Haile ayaa xaqiijiyay in la soo qabtay Eedeysanayaashani kadib markii ay xogo is weydaarsadeen Boliiska Ethiopia & Kenya 24-saac kadib markii ay Boliiska Ethiopia liiska Cas geliyeen 4-taan Eedeysane.

198290cookie-checkBoliiska Kenya Oo Eedeysanayaal Chinnes ah Ku Wareejiyay Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com