Wararka naga soo kala gaaraya degmooyinka Buula-burde ee gobolka Hiiraan iyo Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu weeraray qaraxyo nooca miinada hormuudka lagu hago lagu weerar, iyadoo laga soo sheegaayo khasaare soo gaaray Ciidamada Kenya Ee Degmada Ceel waaq ku sugan….
Degmada Buulo burte:-
Madaxda Saldhiga Boliiska degmada Buulo burte Mr.Cali Maxamed Cali Indha-buur, ayaa sheegay “in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga fariisinka ilaalada garoonka, Wuxuuna intaasi raaciyay in uusan jirin khasaaro nafeed oo qaraxu sababay qaraxaasi.
Illo wareedyo amni ayaa Diinah.com news u xaqiijiyey in qaraxa kadib ay saacado hawada ka maqneyd isgaarsiinta magaaladda isla markaana ciidamadu sameeyeen howlgalo baariseed aanan la ogeyn hadii ay dad kusoo qab-qabteen.
Degmada Ceel Waaq:-
Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa weerarro iyo qaraxyo ka geystay degmada Ceel Waaq Ee gobolka Gedo, iyagoo beegsaday Kolonyo ciidamada Kenya ee gobolkas ku sugan, Labo qarax oo waawayn ayay ku weerareen kolonyadaasi oo ka soo ambabaxay saldhigga ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka.
Khasaare kala duwan oo dhimasho, dhawac iyo burbur ayaa la soo sheegayaa inuu weerarkan ka soo gaaray gaadiidka ciidamada Kenya, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.