Xiliga Kala Guurka & Qorshayaasha Gurcan Ee Farmaajo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qorshayaal gurcan uu diyaariyay Mr.Farmajo, isagoo doonaya inuu kala diro Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo inuu magacaabo Wasiirka 1-aad,wuxuuna go’aansaday inuu Kusimaha xiligaan u magacaabo si rasmi ah Mr.Mahdi Guuleed, taasoo ka sii dareysa Xaalada Murugsan ee xiliga kala guurka, kadib markii Qorshayaashii uu watay ee dib u doorashadiisa ay fashil ku soo dhamaadeen…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiisha Villa Madaxtooyada ay maalimhii ugu dambeeyay ku mashquulsanaayeen sidii loo hirgelin lahaa Qorshayaal taxane ah kuwaasoo lagu burburnimaayo nidaamka curdanka ah ee Dowlada, waxeyna kala yihiin:-

– Inuusan u magacaabin R/Wasaare Beelaha Hawiyaha si aysan saameyn ugu yeelan Talada dalka xiligaan kala guurka ah oo ay bannaanka ka joogaan, isagoo Xilkaasi u magacaabi doona Mr.Mahdi Guuleed.

 -Inuu sii shaqeeyo maamulkiisa isla markaasna uu Baarlamaanka ka meelmariyo shuruuc dhowr ah oo ay ugu horreyaan afartii dekadood iyo heshiiskii is-dhexgalka ee Ethiopia iyo Somalia uu gadaal ka riixaayo Mr.Mahadi Guuleed.

-Inuu kala diro Baarlamaanka kala diro,iyadoo muddo xileedkoodu ka dhiman tahay 90-maalmood, si aan wakhti loo siinin iney Ansixiyaan Magacaabista Wasiirka 1-aad.

-Inuu Mr.Farmaajo Wareegto uu ku maamulo inta laga gaaraayo 8-da Feb-2021, shaqada Xukuumada KMG lagu maamulo.

58540cookie-checkXiliga Kala Guurka & Qorshayaasha Gurcan Ee Farmaajo