Werar Lagu Qaaday Fariisin Ciidan.

Politics

Wararka naga soo gaarayaa degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Ethiopis iyo Koox ka tirsan Shabaab..

 Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dad goobjogaal ka ahaa halka uu dagaalka ka dhacay ayaa  sheegay inay maqlayeen dhawaqa hub culus oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac. Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan.

23300cookie-checkWerar Lagu Qaaday Fariisin Ciidan.