Duulimaadyadii Oo Dib Loo Fasaxay.

Health

Maamulka Villa Somalia ayaa soo saaray Go’aan Cusub oo ku aadan duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, kadib markii dowladda dhawaan joojisay Duulimaadyadii Caalamiga ah ee dalka imaan jiray iyo kuwii bixi jiray.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa waxaa lagu sheegay in muddo laba maalin ah si KMG ah loo fasaxay duulimaayadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray.

Sababta loo fasxayo duulimaayada ayaa waxaa ay dowladda ku sheegtay inay tahay sababo la xiriira in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay haatan ku xayiran yihiin Garoomo Caalami ah, taasina ay keentay la fasaxado Diuyaaradaha keenaya Muwaadiniinta.

Sidoo kale Qoraalka uu soo saaray Wasiir Oomaar ayaa waxaa lagu sheegay in loo hogaansamo amaradda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ee la xiriira Muwaadiniinta soo mareysa wadamada uu ka jiro Cudurka Coronavirus.

23330cookie-checkDuulimaadyadii Oo Dib Loo Fasaxay.