World Bank Oo Eedeeyay Siyaasiyiinta Kenya.

Politics

Daraasad oo dhowaan ay daabaceen Bangiga Aduunka oo ku Aadan deeqaha Dibada ee dalalka Qaarada Africa, ayaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta Kenya ee xiligaan xilka haya ay ku lug yeesheen kiisas musuqmaasuq ah…

Cilmi-baarista ayaa lagu qoray in Horumarka uu Dalka Kenya k gaaray yareeynta saboolnimada, Horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta Dhalinyarada ay wiiqeyso Nidaamka wax isdaba marinta furan.

Wallow aan la carab dhabin magacyada Mas’uuliyiinta la eedeeyay, waxey Cilmi baaristu farta ku goday in Siyaasiyiinta “Xulka” ah ee xilalka ka haya Maamulka Dowlada iyo asxaabtooda ay jeebka ku ritaan deeqaha loogu tala galay Dadka danyarta ah.

Sedex qeybood ayaa lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin kuwaasoo kala ah:-

-Deeq bixiyayaasha

-Dalalka la soo mariyo-Xubnaha Dowlada Oo galaagal iyo saameyn ku leh Xukuumada, iyagoo adeegsanaaya awooda.

Siyaasiyiinta talada heysa, qaraabadooda iyo saaxiibadooda ayaa Malayiin USA $ xadaan kadibna dhigtaan Bangiyada Dibada gaar ahaa kuwa Europe, sida ku cad Cilmi baarista sanadihii u dhaxeeyay 1990-2010, waxaana Bangiyada la dhigtay Aduun dhan 3-Bilyan oo USA$ ah.

23400cookie-checkWorld Bank Oo Eedeeyay Siyaasiyiinta Kenya.