World Bank oo Welwel Ka Muujiyay Daah-furnaanta Xisaabaadka Dhaqaale ee Mashaariicda ay Maalgeliyaan…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kadib cabashooyin badan oo la xiriira musuqmaasuq, nin jeclaysi, iyo beenabuur waxbarasho iyo mid khibradeed oo la xiriirta Maamulka Maal gelinta Mashaariicda Bangiga Adduunka ee Somalia, waxeyna welwel ka muujiyeen Daah furnaanta…

Wararka ayaa sheegaya in Laanta Hantidhowrka ee Bangigaasi uu ugu dambayntii Baaris iyo daba gal ku sameeyeen Hay’adda EY Kenya ee u qaabilsan Xisaabinta Mashaariicda Bangiga Adduunka ee Maal geliyo ee Somalia, Hay’adasni ayaa lagu helay iney qayb ka tahay musuqa iyo nin jeclaysiga mashaariicda baanka Adduunka ee ay fuliso Dawladda Federaalka iyo Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Hay’ada EY Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ku fashilantay inay soo bandhigto khilaafka daneed ee ka dhexjiray xulashada iyo fulinta afar qandaraas oo hoosyimaada SCORE (US$ 28.50 million), iyo PFM 2 (US$ 20.00 million), Waxaana intaas sii dheer in hayadda EY Kenya ay oggolaatay in qandaraasyada mid kamid madaxda dawladda gunno looga qoro, Talabadaan ayaa welwel laga muujiyay kana hor imaaneyaan xeerarka Baanka Adduunku oggol yahay ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Bankiga Adduunka ma uusan shaacinin shaqsiyaadka dowladda Somalia ka tirsan ee dhaqaalaha la siiyay mashaariicdaan, Sida Bangiga Adduunka uu ogaaday waxaa la been abuuray dukumintiyadii xisaabxirka mashruucan, kaasoo shirkad Kenya laga leeyahay Ernst & Young LLP (EY Kenya) ay u sameyay Wasaaradda Maaliyadda Somalia si loo qariyo dhaqaalaha la lunsaday, Bangiga Adduunku wuxuu 26 June 2024 xayiraad saaray shirkadda.

334220cookie-checkWorld Bank oo Welwel Ka Muujiyay Daah-furnaanta Xisaabaadka Dhaqaale ee Mashaariicda ay Maalgeliyaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *