Somalia:-Fatahaad ka dhacay Degmada Doolow oo Barakiciyay Dadka & Duubyadii Degaanka..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tagay Degmadaasi kadib markii fatahaad uu sameeyay webiga Jubba oo ku faafay Xaafadaha degmadaasi, iyadoo ay ka dhasheen barakac xoogan iyo Khasaare balaaran oo soo gaaray Dadka iyo Duunyada…

Dadka ku dhaqan jiinka webiga Jubba ee Degmada Doolow oo xuduud la leh labada dhinac ee Waqooyi iyo Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay cabsida ay ka qabaan heerka biyaha, gaar ahaan kadib markii uu qararka jabsaday, sida ay sheegayaan dadka Degaanka, taasoo sababtay Qax balaaran.

Qaar ka mid ah Dadkii ku noolaa xaafadaha ay fatahaaddu saameysay ayaa u qaxay xafaado kala duwan oo magaalada ah, iyadoo fatahaaduhuna ay khasaare xoogan u geysteen guryo badan, horay waxaa digniin looga soo saaray fatahaado iyo khatarta fatahaadaha ka dhasha roobabka dabeylaha wata ee ka dhaca gobolka Gedo ee koonfurta Dalka, kuwaasoo saameyn xun ku yeelan kara bulshada Soomaaliyeed.

326490cookie-checkSomalia:-Fatahaad ka dhacay Degmada Doolow oo Barakiciyay Dadka & Duubyadii Degaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *