Xaafado ka tirsan Magaalada Baledweyne oo Dhistay Xoogag Amaanka u Suga..

Security Somalia news

Amniga magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan uu si weyn faraha uga baxay mudooyinkii dambe, kadib markii ay kordheen Maleeshiyaad Degaanka ka soo jeeda ay Dilal iyo Dhac u geysanaaya Dadka ku nool qaar ka mid ah Xaafadaha magaaladaasi waxeyna dhisteen Xoogag hubeysan oo Habeenkii ilaaliya amniga Xaafadahooda…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Madaniga loo dhisay iney ka hortagaan Maleeshiyaadka hubeysan ee sida joogtada ah dhaca ka geysta gudaha Magaalada Baledweyne oo mudooyinkii dambe kuwaasoo la sheegay iney kordhayeen dhaca iyo dilalka u geysaneysa Dadka Shacabka ah.

Dhalinyarada ku nool Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa dhistay Xoogag hubeysan oo u gaar ah oo Habeen walba wadooyinka Xaafadahaas ka sameeya roondooyin ay kaga hortagayaan burcada hubeysan ee dhibaatada ka geysan jirtay xaafadahooda.

Talaabadaan qaar ka mid ah dadka xaafadaha Baledweyne ay isku abaabuleen ayaa timid kadib markii Maamulka Gobolka kan Degmada ay ku fashilmeen iney sugida Amaanka Dadka Shacbiga ee Degmada ku nool kooxaha Hubeysan kala kulmaya dhac iyo dilal isugu Dadka Rayidka ah.

339520cookie-checkXaafado ka tirsan Magaalada Baledweyne oo Dhistay Xoogag Amaanka u Suga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com